Home Wararka Maanta Muxuu Qoor Qoor U sheegay Maraykanka oo maantay uu Deg deg kula...

Muxuu Qoor Qoor U sheegay Maraykanka oo maantay uu Deg deg kula kulmay?

0

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo maanta si deg deg ah ugu soo duulay Muqdisho, ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta sare ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoor-Qoor oo markii uu Muqdisho kasoo degay toos u galay xarunta safaaradda oo ku taalla gudaha xeyndaabka aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa la kulmay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahaana ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Xogaha kasoo baxaya kulanka Qoor-Qoor iyo sarkaalka Mareykanka ayaa sheegaya in looga hadlay hubkii faraha badnaa ee Isniintii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka ay sheegtay inuu ahaa hub sharci darro ah oo ay soo qabatay, ayna sii dhaceen shacabka deegaankaasi.

Qoor-Qoor ayaa Mareykanka la wadaagay warbixinta hubkaasi oo walaac xooggan abuuray, xilli dhawaan ay Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado xayiraadda hubka oo sanado badan saarneyd.

Xogaha laga helayo kulankaan ayaa sidoo kale tibaaxaya in Qoor-Qoor uu dowladda Mareykanka u gudbiyay shaqsiyaadka la tuhunsan yahay inay hubka ka keeneen Itoobiya iyo halka uu ku socday intaba.

Tan iyo markii ay Isniintii soo baxday in hubkaan culus uu u gacan galay dad shacab ah ayaa waxaa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug kasoo yeerayey hadallo is-khilaafsan, oo halis gelin kara in dib usoo laabato xayiraadda hubka ee Soomaaliya, taas oo la qaaday daba-qaayaddii sanadkii hore ee 2023.

Hubka gacanta u galay dadka shacabka ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa hub aad u culus, ayada oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn ujeedka laga lahaa, marka laga yimaado in uu kasoo gudbay dhanka Itoobiya, ayada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu u socday qaar kamid ah musharaxiinta u taagan madaxtinimada Galmudug.

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan

Maxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci

Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Qoor Qoor oo Goordhow Gudaha U galay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho kadib Markii loo yeeray
Next articleMaamulka Caabudwaaq oo war culus kasoo saaray hubkii la bililiqeystay