Home Wararka Maanta Muxuu Mareykanka ka yiri dilka Yaxya Sinwar?

Muxuu Mareykanka ka yiri dilka Yaxya Sinwar?

0

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden iyo ku xiigeenkiisa, kamala Harrisba waa ay ka hadleen dilka Yaxya Sinwar.

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay, in dhimashadiisu ay maalin wanaagsan u ahayd Israa’iil, Maraykanka iyo caalamkaba, balse waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay tani soo bandhigayso fursad lagu soo afjarayo dagaalka lana soo celinayo la haystayaasha.

Biden ayaa saxafiyiinta kula hadlay dilka Sinwar kadib markii uu gaaray magaalada Berlin ee dalka Jarmalka isaga oo wadahadallo la yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in dilka hogaamiyihii Xamaas ay ahayd “horumar weyn” oo horseedeysa in la so af-jaro dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Ad
Previous articleWaa kumaa abwaan Sugaal Cabdulle oo Shalay Qaraxa Ismiidaaminta Ahaa Lagu Dilay?