Home Wararka Maanta Muxuu Madaxweyne Xasan Shiikh kala Hadlay kuna Qanciyay Madaxweynaha Ereteeriya?

Muxuu Madaxweyne Xasan Shiikh kala Hadlay kuna Qanciyay Madaxweynaha Ereteeriya?

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer uga wada hadleen ajandayaasha muhiimka ah, sida arrinta badda, gaar ahaan heshiiskii ay Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay haatan walwal ka muujineyso xuukumadda Asmara.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda, “Haddii ay dhacdo, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu xalliyo caqabadaha u gaarka ah,” ayuu yiri Afwerki.

Dhanka kale, Isaias Afwerki ayaa ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex-maray Soomaaliya, Eritrea iyo Masar, isaga oo shaaca ka qaaday in uusan lahayn ujeeddooyin aasaasi ah oo aan ka ahayn xoojinta xiriirka iskaashi ee saddexda dowladood.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay faa’iidooyin wax ku ool ah ka heli karto waaya-aragnimada ballaaran ee Eritrea ee ku aadan iskaashiga cusub.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Salka Lagalay Ahlusuna Waljamaaca
Next articleMaamulka Jubbaland oo shaacisay xaalad adag oo ka dhalatay go’aanka DF