Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donlad Trump, kaas oo dib u doorashadiisa ay mucjiso ku noqotay adduunka.
“Hambalyo Madaxweynaha la doortay Donald Trump. Waxaad sharaf u leedahay inaad mar labaad u adeegto dadka Mareykanka sanadaha soo socda, waxaan rajeynayaa in Soomaaliya iyo Mareykanka ay sii xoojiyaan xiriirka laba geesoodka ah ee dhammaan dhinacyada faa’iidada u leh labada dhinac, oo ay ku jiraan amniga iyo ganacsiga” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.
Donald Trump ayaa mar kale oo doortay Madaxweynaha Mareykanka, xiligii uu Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya ayuu Trump Madaxweyne ka ahaa Mareykanka, waxayna ahaayeen Madaxweynayaal soo wada shaqeeyey.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka mid noqday madaxdii ugu horeysay ee hambalyo u dirtay Trump, isagoo ka rajeeyey in iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka uu ka sii amba qaado halka uu joogo.
Guusha Donald Trump waxay ka dhigan tahay soo laabasho cajiib ah, wuxuu ahaa nin xukunka kaga dagay sumcad xumo ka soo gaartay lixdii Janaayo, taas oo dhawac u geysatay, balse 4 sano kale oo safar ah ayuu u soo galay in uu xukunka ku soo laabto, dhowr mar ayaa maxkamad lala tiigsaday.
Isniintii ayuu Trump sheegay in ololihiisa uu guul weyn ka gaaray isbahaysiga Carabta iyo Muslimiinta ee Michigan, kuwaas oo uu sheegay inuu ku soo jiitay ballan-qaadkiisa nabadda.
Soomaalidu inta badan waxay u codeyn jireen xisbiga Dimuqraadiga, balse hadda waxaa la xaqiijiyey inay jirto tiro badan oo taageeray Donald Trump, waxayna Soomaalidu ku taageertay in dhaqaalaha dalku xoogaanaa markii uu xilka hayay, inkastoo ay jireen walaac ku saabsan siyaasadihiisa soo galootiga oo aad u adkaa.