Home Wararka Maanta Muxuu ahaa Meydka la geeyay Masjid kuyaalla Muqdisho oo la diiday in...

Muxuu ahaa Meydka la geeyay Masjid kuyaalla Muqdisho oo la diiday in lagu dukado Salaada Janaasada?

0

Waxaa shalay masaajid weyn oo kuyaalla inta u dhaxeysa isgooska Ex-koontarool Afgooye iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee magaalada Muqdisho laga soo wariyay dhacdo dad badan aysan horey u arag.

Masjidka ayaa la geeyay nin meyd ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana ninka dhintay markii masaajidka la geeyay si salaada janaasada loogu dukado halkaasi ka dhashay muran la xariira in ninkaasi lagu dukado iyo in kale.

Dadka deegaanka qaarkood ayaana culimada masjidka u sheegay in meydka ninka masjidka la keenay uu ahaa nin aan salaada dukan jirin , waxa ayna taasi keentay in culimada masjidka diidaan in ninkaasi salaada janaasada masjidka lagula tukado.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada maamusha masjidka Waallideyn  ayaa sheegay in masjidka maalin kasta lagula dukado janaaso dadka la keeno, waxa uuna xusay ninkii shalay la diiday in lagu dukado in ay caddaatay in uusan dukan jirin.

“Dadkii maydka la socday qaar kamid ah ayaa soo hormaray markaas ayay culimada u sheegeen mayd ayaan wadnaa waana taariku salaad, hadii aad ku tukaneynsaa idinka ayay idin taallaa waa dadkii la socday ee ogow, sidaas go’aan kuma qaadan waxaan arrinkaas weediinay nin la dhashay marxuumka iyo wiilkiisa, waxa uuna caddeeyay wiilka in uusan aabihiis salaada dukan jirin, arkii la caddeeyay ayay Culimadu yiraahdeen qof isaga oo nool oo caafimaad qaba salaadda diiday marka uu dhinto kuma qabsi doono, kuna tukan meyno ee naga qaada, waana sidaas qofkii isaga yiraahdo anigu taariku salaad ayaan wadaa ma ku tukaneyno” ayuu yiri  Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Arrintan shalay ka dhacday masjidka Waaliddeyn ayaana dhalisay hadal heyn badan oo bulshada dhaxdeeda ah, dadka intooda badan ayaana sheegay in ay sax tahay in aan lagu dukan salaada jannaasada ah qofkii intii uu noolaa jaray xiriirka allae oon salaada dukan.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleMaxay u danaynayaan siyaasiyiinta uu Farmaajo ku jiro shirka uu Deni ku baaqay?
Next article30 Sano Kadib oo Muqdisho laga Furay Geerash lagu Dayactiro Diyaaradaha