Home Wararka Somaliya Puntland Muxuu ahaa Hubka Ciidamada Puntland ay gacanta Ku dhigeen Kadib Markii ay...

Muxuu ahaa Hubka Ciidamada Puntland ay gacanta Ku dhigeen Kadib Markii ay u daateen Gurigaan?

0

Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanayaa kuwa sirdoonka maamulkaasi ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada ayaa howlgalladan ku beegsaday kooxo ay Puntland sheegtayinay gacan saar la leeyihiin Argagixisada oo ku howlanaaa falal liddi ku ah amniga magaaladaasi.

Warsaxaaradeed kasoo baxay taliska PMPF ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda lasoo qabtay ay ahayd shabakad isku xiran oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaas oo muddo lagu daba joogay, sida uu sheegay taliska.

“Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus” ayaa lagu yiri warsaxafaadeedka.

Sidoo kale ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay hub tiro badan, qaraxyo iyo hoobiyeyaal ay lahayd shabakadda lasoo qabtay, waxaana kamid ah hubka la helay budada laga sameeyo walxaha qarxa, miinooyin, bambooyinka gacanta, hoobiyayaal iyo agabyo kale

“Kooxahan gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale” ayaa mar kale lagu yiri.

Puntland ayaa sidoo kale u mahadcelisay bulshada deegaanka oo ay sheegtay inay ciidanka ka gacan siiyaan fashilinta dhagarta kooxdaasi laga hortegay.

Marar badan ayaa sidaan oo kale ciidamada Puntland waxay usoo qabteen hub tiro badan iyo xubno ka tirsan kooxaha Argagixisada ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.

Ad
Previous articleSidee Alshabaab Hubaysan oo Qaraxyo Wata Ku Tageen Xeebta Liido oo Dad Badan ay ku Dileen?
Next articleTurkiga oo Itoobiya U yimid Xalinta Xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya Xili Bisha Soosocota la Balansanyahay