Home Wararka Maanta Muwaadin u dhashay Britain oo lagu dilay Ukraine

Muwaadin u dhashay Britain oo lagu dilay Ukraine

0

Muwaadin u dhashay dalka Britain oo ka shaqaynaayay bariga dalka Ukraine kana mid ahaa kooxda wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu dilay duqeyn soo gaadhay hotel uu ku sugnaa. Sida ay xaqiijisay wakaaladdu.

Ryan Evans oo ahaa lataliyaha dhanka amaanka ayaa kamid ahaa lix shaqaalaha Reuters ah oo ku sugnaa Hotelka Saphire oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Kramatorsk halkaas oo ay maamusho Ukraine laakiin u dhow furinta. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in hotelku uu ku dhacay gantaal Ruushku leeyahay. Balse Ruushku kama hadlin arrinkaas.

La-taliyaha dhanka ammaanka ee Ryan Evans ayaa ka mid ahaa lix ka mid ah shaqaalaha Reuters oo ku sugnaa Hotel Sapphire oo ku yaalla magaalada Kramatorsk – oo ay maamusho Ukraine balse u dhow jiidda hore – markii la garaacay.

War ay soo saartay wakaaladdu ayuu afhayeenkeedu ku sheegay in uu aad uga xunyahay geerida Evans.

“Waxaan si degdeg ah u raadinaynaa in aan helo xog ku sabasan weerarka, anniga oo kaashanayna maamulka Kramatorsk, waxaana taageeraynaa saaxiibadayo iyo qoysaskoodaba” ayuu yidhi afhayeen.

“Waxaan tacsi u diraynaa qoyska Ryan iyo kuwii jeclaaba. Ryan waxuu caawiyay kuwo badan oo kamid ah saxafiyiintayada ka shaqaynaayay dhacdooyin badan oo dunida ah, si aad ah baan runtii ugu xiisi doonaa.” Ayuu kusoo gabagabeeyay warka afhayeenku.

Ad
Previous articlePuntland oo Gacanta Ku dhigtay Rag Katirsanaa Alshabaab oo Watay Diyaaradaha Is Qarxiya
Next articleMaraykanka oo ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas