Home Wararka Maanta Muwaadin Somali ah oo lagu Dilay Dalka Koonfur Africa Xili uu Salaad...

Muwaadin Somali ah oo lagu Dilay Dalka Koonfur Africa Xili uu Salaad kasoo baxay

0

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan magalada Durban ee gobolka KwaZulu-Natal ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dhalinyarada dalkaasi u shaqa tagay.

Allah u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Fiidoow oo loo yaqiinay Cabdi Jaqaf, kaasoo ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garaanayay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika.

Sida wararku sheegayaan marxuum Cabdi Jaqaf ayaa la dilay, isagoo soo Tukaday salaadii cishe kana soo baxay masaajid ku yaala xaafada Somalida u badan tahay ee magalada Durban.

Dableyda geysatay dilka Marxuumka ayaa  si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku toogteen marxuumka, waxaana halkaasi mar dambe gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika kuwaas oo goobta ka sameeyay baaritaano la sheegay ineysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka sidan oo kale loogu beegsado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, waxaana dowladda Koonfur Afrika mar walba sheegta iney wax ka qabaneyso dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida ku nool dalkeeda.

Ad