Home Wararka Maanta Muuse Suudi oo mar kale weerar afka ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Muuse Suudi oo mar kale weerar afka ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

0

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa mar kale eedeymo yaab leh i jeediyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Muuse Suudi oo ka hadlayey Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xil kasta oo horey loogu soo dhiibay Farmaajo  si aanu raali ka ahayn looga qaadayey, haddana xitaa haddii ay doorasho dhacdo oo laga guuleysto ay adkaan doonto inuu si nabad ah uga baxo Madaxtooyada.

“Ninkan taariikhdiisa haddii laga sheekeeyo meel walba isagoo ku dhegan ayaa laga fujinaayey, meel waa lagu feeraayey. Meelaha qaarna waa lagu xiraayay. Haddana in xoog looga baxsho maahee iska bax ku bixi maayo. Xataa haddii cod looga raayo lagama yaabo inow caqli celsho”. ayuu yiri Muuse Suudi oo amaan iyo bogaadin u jeediyey ciidamadii badbaado Qaran.

Senator Xaaji Muuse Suudi wuxuu kaloo uu sheegay in xilligii uu Farmaajo iska casilay xilka Ra’iisal Wasaaraha 2011 inuu xafiiskii iska dhex fadhiistay 27 maamood illaa buu yiri askarta AMISOM ay ka qaadeen meesha, isagoo dhinaca kale bogaadiyey ciidamadii badbaado Qaran ee Farmaajo ku qasbay inuu ka laabto muddo kororsigii ii damacsanaa.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMagaalada Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyay gudiga Doorashada Galmudug
Next articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Howlgalo ka bilaabay Deegaano Mudug ka tirsan