Home Wararka Maanta Muuse Biixi “Soomaaliya haddii dagaal ay ka maarmi waydo Cashar baan u...

Muuse Biixi “Soomaaliya haddii dagaal ay ka maarmi waydo Cashar baan u dhigaynaa”.

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeesay ka hadlay duullaanka ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine iyo duqeymaha culus ee Ruushku ku garaacayo magaalooyin kuyaalla dalkaasi.

Muuse Biixi ayaana ugu baaqay madaxda dowladaha Ruushka iyo Ukraine in dagaalka joojiyaan ayna xabad xal u badalaan, waxa uuna xusay in dagaalka ka socda Ukraine iyo duqeymaha mid ka daran soo martay Soomaaliland xilligii dowladii Dhaxe.

”Waxaan xusuustaa maanta marka adduunku sidaa Ukraine uga hadlaayo Anniga iyo inta ila da’ada ah ee usoo joogtay wixii ka dhacay Somaliland xusuus gaara ayey u leedahay, waayo sidii loo duqeeyey Hargeisa, Burco iyo wixii ku dhacay iyo rasaastii ku dhacday Caasimadda Ukraine kumay dhicin, Kyiv madaafiic waa weyn baa lala dhacaa laakiin sidii cadowtinimada lahayd ee halkan lagula dhaqmay wali may gaadhin, Hargeisa berigii dagaalku dhacay ee 1988 bari iyo galbeed waxay u ahayd 17KM Waqooyi iyo Koonfurna waxay u ahayd 13KM, Buurtaa Taliska guud dusheeda waxaa lasoo dhigay 60-Madfac oo siman oo nooc walba leh, xagga dhaqaaqa waxaa lasoo dhaqaajiyey dhawr iyo saddon taangi, wuxuu qorsheeyey ninkii halkaa ka talinaayey ee abbaan duulaha ka ahaa in Mitir kasta oo Hargeisa kamida ay Xabadi ku dhacdo, xattaa dagaalkii 1aad ee adduunka may dhicin”. ayuu yiri Muuse Biixi.

Ad