Home Wararka Maanta Muuse Biixi: “Soomaaliya haddii ay nukliyeer haysato Somaliland wey ku dhufan lahayd”

Muuse Biixi: “Soomaaliya haddii ay nukliyeer haysato Somaliland wey ku dhufan lahayd”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland, Muuse BiixiCabdi, ayaa khudbad uu ka jeediyey xuska munaasabadda 18-ka May, ka sheegay in heer gebo gebo ah uu marayo dhamaystirka heshiiskii horaantii sannadkan uu la galay Ra,iisul-wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa saldhigga Ciidan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xusay in wakhtiga dheer ee uu qaatay dhamaystirka heshiiskan uu yahay mid la xiriira in dhinacyadu iska hubinayeen waxyaabaha saameynta leh ee lagaga soo noqon kara qodobada heshiiskan ka koobnaanayo.

Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu si adag u dhaliilay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu si adag uga soo horjeestay heshiiska isfaham ee ay wadagaleen Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu xusay Madaxweyne Muuse Biixi in Somalia haddii ay nukliyeer haysato ay ku dhufan lahayd Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Halkan ka dhageyso khudbadda Madaxweyne Biixi.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Safarkii Sadexaad Bil Gudaheed Ku Gaaray Magaalada….
Next articleShir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo ka furmaya Dhuusomareeb(Sawirro)