Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo oo maalmo kooban qaadan doona ugu ambo baxay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Safarka madaxweynaha Somaliland ugu baxay dalka Jabuuti waxaa ku wehliya wasiirro katirsan maamulkiisa, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa kasii sagootiyay wafdiga madaxweynaha masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato madax katirsan dowladda Jabuuti , lama shaacin ilaa hadda ujeedka safarka madaxweynaha Somaliland.
Safarka madaxweyne Muuse Biixi ugu mabo baxay ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sugan yahay dalka Jabuuti, halkaas uu kusoo xiray shir ka socday.