Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi oo markii ugu horreysay calaameeyey dhul badeedka ay siinayaan Itoobiya

Muuse Biixi oo markii ugu horreysay calaameeyey dhul badeedka ay siinayaan Itoobiya

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa mar kale ka hadlay heshiiska ay dhul badeedka ku siinayaan Itoobiya, isaga oo markii ugu horreeyey shaaciyey halka uu dhulkaas noqon doono.

Muuse Biixi oo wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan.

“Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen,” ayuu yiri Muuse Biixi.  

“Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi,” ayuu sharaxay. “Diyaar ayaan nahay.”

Itoobiya ayaa sheegtay inay ka fiirsan doonto mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Somaliland, balse ma aysan bixin dammaanad qaad shaacsan oo ku aadan aqoonsiga. Labada dhinac ayaa weli diyaarinaya heshiiska rasmiga ah.

Xitaa haddii ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, lama mid ahan in dalal kale ee qaaradda ay ku dayan doonaan.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM.

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey heshiiska Addis-Ababa iyo Hargeysa, sheegayna in uu arbushi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Maxay Maraykanku uga soo horjeedaan arrintan?#8221; ayuu Muuse Biixi si caro leh u weydiiyey. “Weligood iima aysan sharxin.”

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Codsi U diray Dadka Baraha Bulshada Ka Dhaliila
Next articleCiidanka Israel oo askartii ugu badneyd looga dilay dagaalka ka socda Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here