Home Wararka Maanta Muuqaal Duubihii Alshabaab ee Alkataaib oo Gacanta Lagu Soo dhigay

Muuqaal Duubihii Alshabaab ee Alkataaib oo Gacanta Lagu Soo dhigay

0

Muuqaal duubihii Warbaahinta Al-Shabaab ee Al-kataa’ib ayaa u soo gacan galay dowladda Soomaaliya, waxaana maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada Soomaaliya, isagoo qiranaya dembiyo waaweyn, waxaana xusid mudan in ninkii ku tashkiiliyey inuu ku biiro Al-Shabaab u uku jiro Xabsiga Dhexe, isagoo ku xukuman xabsi dheer.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa toos u wareystay ninkaan oo sheegay in shaqada ugu badan ee Shabaab uu u qaba jiray ay aheyd duubista dagaallada tooska ah iyo dilalka ay geysa jireen Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa qirtay in Shabaab ay soo bareen sida wax loo duubo, qaraxyada, dagaalka tooska ah, diyaarinta miinooyinka iyo soo iibinta gaadiid u badan oo mootooyin FEKON ah oo Shabaab ay isticmaali jireen.

“Markii aan gacanta ku dhignay wuxuu ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab ee dilalka fuliya,” ayuu yiri Dacwad ooge ka tirsan xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale waxaa maxkamadda hor yimid sarkaal ka tirsan NISA oo ka sheekeeyey sida loo qabtay ninkaan oo isla goobtii ku qirtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa sahan.

“Subax aniga oo kormeeraya kaamirooyinka degmada Garasbaaley ayaan arkay ninkaan oo luuq kasoo baxay, waxaa istaajiyey ciidankii ila socday, kadibna waxaan weydiiyey dhowr su’aalood, balse waxaan ka dareemay qalqal, markii aan u sheegay inaan xabsiga u gudbinayo si loo baaro ayuu ii sheegay inaan iska daayo, isagoo qiranaya inuu Shabaab yahay,” ayuu yiri Salkaalka ka tirsan NISA ee hor tegay maxkamadda.

Diyaarad Drone ah iyo gantaal lagu weeraray Caasimada Kyiv oo lagu Dhaawacay 70 Qof

Diyaarad  Ruushka laga leeyahay gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa sababay dab, burburiyey dhismayaal caasimadda Ukraine ee Kyiv, halkaas oo ay ku dhinteen sagaal qof, in ka badan 70

Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Mareykanka oo Dhinac ah IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent ayaa ku eedeeyay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) iyo Bangiga Adduunka inay aad uga leexdeen howlihii loo aasaasay. Bessent ayaa sheegay IMF ay ku bixinayso

Al-shabaab oo saaka Weerar Qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku

Rag ka tirsan Shabaab oo dad ka afduubtay Mandheere

Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍
Ad
Previous articleDowlada Itoobiya oo Shir Deg Deg ah Isugu yeertay Wadamada Ciidamadoodu Soomaliya Joogaan
Next articleUrurka ONLF oo Go’aan ka Nixiyay Abiya Axmed Ku Dhawaaqay