Home Wararka Maanta Muslimo Cali: ‘Hal saac ayaan ka sii maqnaa, markii an soo noqdayna...

Muslimo Cali: ‘Hal saac ayaan ka sii maqnaa, markii an soo noqdayna waxaa u imid iyaga oo gubtay’

0

Waxay ahayd subaxnimo ay qoyska aabe Cali Aaden Geelle iyo Muslimo Cali ay kala adeen shaqooyinkoooda ay nolol maalmeedkooda ka dhacsadaan.

Qoysku waxay deganaayeen xaafadaka Kaskeey ee degmada Baardheere ee xarunta gobolka Gado.

Aabaha qoyska Cali Aaden Geelle, wuxuu subaxnimadii hore aaday deegaanka Ceel-Cilaan oo ah deegaan beeralay ah oo qiyaastii 45KM u jira Baardheere ,halka Muslimo ay aaday goob ganacsi oo ay ku lahayd suuqa magaalada.

Sida ay BBC-da u sheegtay hooyada carrruurta Muslimo Cali, hal saac ayey ka sii maqnayd guriga iyadoo aaday miis ganacsi oo ay ku lahayd suuqa markii loo soo sheegay in dab ka kacay gurigeedii galinkii hore ee shalay

“Saddexdooda bes ayaa guriga ugu tagay kuwa kalena waxay aadeeg dugsi u dhawaa xaafada, waxaan aaday suuqa oo ay ku leeyahay miis ganacsi.” ayey tiri Muslimo.

Dabka qabsaday guriga ay ku sugnaayeen carruurta ayaa la sheegay inuu ka dhashay Jansiigar ama qaraxad sida uu BBC-da u sheegay Cali Aaden Geelle oo ah aabaha Qoyska.

Muslimo Cali hooyada Qoyska ayaa BBC-da u sheegay in qof uu soo wacay oo u sheegay in gurigeedii uu gubanayo xilli ay ku sugnayd suuqa.

“Waxaan soo raacay Bajaaj markaan imi gurigii waxaan imi ilmihii oo gubtay, waan naxay, xalay ma seexan, basle illaah ayaan u noqday.” ayey cod dareen leh ku tiri hooyo Muslimo.

Waxay intaa ku dartay in saddexda carrruura ee ku geeriyootay dabka ay ahaayeen kuwii ugu yaraa qoyska da’dooduna ay kala ahayd lix sano jir, afarsano jir iyo labo sano jir.

Taliska booliska Baardheere ayaa sheegay inay goobta dabku ka kacay ay u gurmadeen ayna ku guuleysteen inay damiyaan dabka ayna ka hortageen inuu dabku sii fido.

“Labo carruura kale ayaan soo badbaadineyey meel guriga gubtay u dhawaa oo haddii aanan ka gaarneen dabku gaari lahaa” ayuu BBC-da u sheegay Taliyaha saldhiga degmada Baardheere Xiddigle Cabdixakiin Warsame Aadan oo ku magacdheer (Hiil-bulsho).

Taliye Cabdixakiin, wuxuu intaa ku daray in hooyada qoysku u sheegay in gabar dhowr iyo toban sano jir oo ilmaha looga gatay ay adeeg doonatay.

“Ilmihii albaabka ayey kor ugu xirtay, ciyaalkuna gudaha ay ku jireen joodari ayey ku jiifeen, marka jandarsiigar ayey isku qabteen sida warbixinta nagu siiyeen dadkii meesha joogay ,Jandarsiigarkii ayaa mesha ku gubtay haddii ilmaha soo carar maageena oo inay baxaan damceena hadda gurigii ayaa albaabka kor uga xirnaa, marka qadar ayey ahayd qadartii alle ayaana sidaas u dhacday ilmihiina sidaas ayey ku gubteen”ayuu BBC-da u sheegay taliye Cabdixakiin.

Dabka ayaa sidoo kale baabi’iyay ka dhigay dhismihii guriga oo ka koobnaa saddex qol oo tarniig iyo cooshad ka samaynaa iyo wixii u yaallay qoyska intaba.

“Guri dariiska ayaa hadda joognaa maadama gurigii uu dhammaantiis gubtay” ayey intaas raacisay Muslimo Cali.

Saddexda carruurta ee ku geeriyooday dabka ayaa maanta lagu aasay magaalada Baardheere.

Xaallada hadda ee Qoyska

Qoyska oo horrey uga koobnaa hooyada iyo aabaha iyo toddobo carruur ah oo ay dhaleen balse hadda waxay ku dul nool yihiin qoys dariskooda ahaa, iyagoo lix ruux ah ka dib masiibadii dabka ee ku dhacday

Bashiir Cali Humow, oo ay qaraabo yihiin Cali Aaden ayaa BBC-da u sheegay inay hadda ku howlan yihiin sidii loo gacan qaban lahaa qoyska ay masiibadu ku habsatay.

“Qorshaha qoys aaan aan wadno waxaa sidii dadkan gurigooda loogu dhisi lahaa, dadkuna aad bay ugu gurmadeen” ayuu yiri Humow.

Ehelladu waxay sheegeen inay hadda xaallada qoysku tahay mid liidata maadama ay horreyba u ahaayeen qoys danyar ah.

Xaafada Keskey ee Bardheera ayaa ah mid ka mida xaafadaha ku yaalla ee dhisme ahaan hadda si xowli ah loo degayo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Dagaal Ka dhacay Duleedka Dhuusamareeb oo Xoogaystay
Next articleUNka oo Sheegay inay Digniinihii Ay soo Saareen ee Qaraxyada ay Ahaayeen Been Abuur