Home Wararka Maanta Musharax la dilay oo ku guuleystay doorashada kursigii uu u tartamayey (Sawirro)

Musharax la dilay oo ku guuleystay doorashada kursigii uu u tartamayey (Sawirro)

0

Musharrax u tartamayay inuu noqdo maayirka magaalo ku taal waddanka Ecuador kaasoo la dilay saacado ka hor inta aanay furmin goobaha codbixinta ayaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday magaalada Puerto López.

Omar Menéndez oo 41-jir ahaa ayaa waxaa toogtay rag hubaysan oo ugu galay qol ay ku wada jireen isaga iyo dad kale oo kala shaqeynayay ololihiisa doorashada.

Madaxweynaha Ecuador Guillermo Lasso ayaa cambaareeyay dilalka la gaystay.

Qof ka tirsan xisbiga Mr Menéndez ayaa la filayaa inuu geli doono booska siyaasiga la dilay oo uu sidaas ku noqon doono Duqa magaalada.

Doorashooyinka dowladda hoose ayaa la qabtay xilli ay sare u sii kacayeen mowjado fal dambiyeedyo ah kuwaasoo ay saamayn ku leeyihiin burcad mukhaadaraadka ka ganacsatada

Mr Menéndez ayaanan ahayn siyaasiga kaliya ee la dilay waqti yar uun ka hor inta aanan doorasho la qaban. Laba todobaad ka hor, Julio César Farachio oo u tartamayay inuu maayir ka noqdo magaalo xeebeedka Salinas ayaa toogasho lagu dilay.

Booliska ayaa xiray qof looga shakisanyahay dilka Farachio kaasoo hore ugu gooddiyay 45-jirka doorashada u tartamayay.

Ad
Previous articleIsimada Laasacanood oo shuruud adag ku xiray nabad-galyo ka dhaqan gasha Sool oo Maalintii 4aad Dagaal Kasocdo
Next articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Goordhow Magacaabay Hanti Dhowraha Guud ee Qaran