Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli la siin mushaarkooda Bisha oo ugu dambeyn ay qaadan jireen 25ka Bisha, askarta qaar ayaa sheegay in aanay jirin sabab rasmi ah oo lala wadaagay ama cudurdaar loo gudbiyay oo keentay in uu dib u dhaco mushaarkooda.
Qaar kamid ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muuqaallo ay soo geliyeen koontooyinkooda gaarka ah ee Baraha Bulshada ku leeyihiin ayay kusoo bandhigeen in uu weli ka maqan yahay mushaarkaas Bishaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga si faah-faahsan ugama hadlin mushaarkaan kadib dhacay waqtigii ay loo asteeyey Ciidamada in ay qaataan, waxaa jira sababo badan oo la dulsaaray in uu dib u dhaco mushaarkaan kasoo daahay ciidanka.
Mideynta Mushaaraadka ciidamada iyo in ciidamo cusub lagu daray liiska mushaar qaadashada waa labada sabab ilaa haatan la sheegay, inkasta oo ilaa haatan aysan ka hadlin Dowladda Federaalka Soomaaliya.