Home Wararka Maanta Muqdisho oo lagu soo Dhaweeyay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Muqdisho oo lagu soo Dhaweeyay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

0

Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa galabnimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka wadatashiga qaran ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

Madaxweynayaasha labada maamul ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka. Deni iyo Axmed Madoobe ayaa berrito ka qeyb gali doona gogosha wadatashiga ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkaas ayaa horey loo qorsheeyay inuu qabsoomo bilowgii bishaan, balse dib u dhac ayaa ku yimid kaddib muran ka dhashay go’aankii dowladda ee ku saabsanaa in madaxweynayaasha maamul-goboleedyadu aysan Muqdisho la soo geli karin ciidamo tiro badan.

Kulamo gaar gaar ah oo siyaasadeed ayaa caawa ka socda magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu caawa booqasho ugu tagay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, halkaas oo ay ku yeesheen kulamo is-xogwaraysi iyo soo dhoweyn ah.

Waxaa la filayaa in berrito uu si rasmi ah u bilowdo wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo si weyn ugu kala aragti duwan jihada siyaasadeed ee dalka ku socdo.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysanaysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodayaan in waqtiga kooban ee u harsan dowladda loo baahan yahay in diiradda lagu saaro gaarista heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashada soo socota, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa ku eedeynaya Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku dheggan yahay kursiga, isla markaana uusan diyaar u ahayn qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa si dhow ula socota shirka wadatashiga, iyada oo soo dhaweysay isu imaatinka hoggaamiyeyaasha dalka, si loo gaaro heshiis wadar oggol ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh mustaqbalka Soomaaliya.

Ad