Home Wararka Maanta Muqdisho oo Lagu Dilay Bajaajle ku Guulestay Lottery-ga Dalka Mareykanka

Muqdisho oo Lagu Dilay Bajaajle ku Guulestay Lottery-ga Dalka Mareykanka

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil Xalay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Muxumed.

Dilka wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa Xalay ka dhacay waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxaana dilkiisa geystay askari ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwii lagu soo tababaray dalka Eretariya.

newsinsideAllah u naxariiste marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, waxaana goobta isaga baxsaday askarigii geystay dilkiisa oo la sheegay inuu xabadaha si bareer ah u ridaayay.

Mid ka mid ah ehalada wiilka la dilay ayaa HOL u sheegay in wiilkooda uu ku jiro meydkiisa Firinjeer, islamarkaana aysan aasi doonin ilaa inta cadaaladda laga horkeenayo askriga dilkiisa geystay.

“Askari naloo sheegay inuu cabsana ayaa dilay Walaalkey Cabdirisaaq Abuukar wuu baxsaday waana la yaqaan oo waxa gacanta lagu soo dhigay askari kale oo la socday askariga dilka geystay” ayuu yiri Yuusuf Absuge oo ka mid ah ehelada marxuumka la dilay.

Yuusuf ayaa sidoo kale Shabakada HOL u sheegay in marxuumka dhintay iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Caa’isha Cabdi dhawaan safar u ahayeen dalka Mareykanka, islamarkaana Ku guuleesteen Lottory, Vissahii ay ku socdaali lahayeen uu diyaar u ahaa.

“Marxuum Cabdirisaaq iyo marwadiisa Caa’isha Cabdi waxay isku diyaarinayeen safar dalka Mareykanka ah oo waxaa u diyaarsana Vissaha, kaliya waxa u dhina in Interview ama Wareysi ku maraan Safaraada Bangkok ee dalka Thailand” ayuu yiri Yuusuf oo ka mid ah ehelada marxuumka la dilay.

Ugu dambeyntii dilka wiilkan Bajaajlaha aha ayaa kusoo aadaya, iyadoo dilalka askarta u geystaan dadka shacabka ah mudooyinkii dambe u muuqdeen kuwa ka yaaraanayay gudaha magaalada Muqdisho.

Ad