Home Wararka Maanta Muqdisho oo Durbaba Martigalinaysa Muraacad Xoog leh oo ka dhan ah Xasan...

Muqdisho oo Durbaba Martigalinaysa Muraacad Xoog leh oo ka dhan ah Xasan Shiikh

0

Khilaaf siyaasadeed oo culus ayey cagaha la sii geleysaa Soomaaliya, Farmaajo, Sheekh Shariif, CC Shakuur iyo in ka badan 100 Xildhibaan ayaa gasha kala baxay seefta mucaaradnimada, maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Muqdisho marti-geliso siyaasiyiin badan oo mucaarad ku ah hoggaaminta Xasan Sheekh.

Sidoo kale, siyaasadda arrimaha dibadda ayaa weli qasan, Fahad Yaasiin oo kol sii horeysay farriin soo saaray ayaa Xasan Sheekh kula taliyey in labada khilaaf ee kan gudaha iyo kan arrimaha dibadda uu mid un xaliyo, maadaama waqtiga u haray uusan labadaba ku xali karin.

Farogelin xoog leh oo arrimaha dibadda ah ayaa Soomaaliya ku socota, Kenya ayaa maalin ka hor u bareertay inay Axmed Madoobe oo u eedeysan dowladda federaalka ay dalka ka dhoofiso oo geyso Nairobi.

Itoobiya ayaa sidoo kale toos u taageereysa qorshaha Axmed Madoobe ku wiiqayo dowladnimada Soomaaliya, maalmo ka hor diyaarado hub sida ayey Itoobiya ka dejisay Kismaayo.

Sharciyadii socdaalka hawada Soomaaliya ayey sidoo kale toos u jebiyeen dowladaha Kenya iyo Itoobiya, dowladda Soomaaliya weli jawaab kama aysan bixin xad-gudubyadaas loo geystay madax-banaanida iyo qaranimada dalkeeda.

Arrimaha gudaha, waxaa taagan xaalad adag oo jaho wareer ah, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah oo shacabku aad u rabaan, balse maamul goboleedyadu diidan yihiin.

Maanta, guddiga doorashooyinka qaranka oo dhismihiisa ay mucaaradku ka soo hor jeedaan ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah ay u bilaabeen diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda dalka, iyagoo soo dheji doona toddobaadka soo socda jadwalka doorashada.

Intaas waxaa dheer dagaal beeleedyada oo gobol iyo deegaan kasta ka qarxay, dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa ku guul dareystay inay joojiyaan colaadaha sokeeye ee sii huraya.

Abaarta El-Nino ayaa sidoo kale dalka ku dhufatay, waxaana suurtagal ah in toddobaadyada soo socda ay guraan wabiyada dalka mara, sida ay saadaalinayaan quburadu, taasi oo sii adkeyn doonta xaaladda.

Kooxaha Khawaarijta ayaa sidoo kale dalka ka dagaalamaya weli, Puntland ayaa duulaan rasmi ah markii ugu horeysay ku qaaday Daacish ay mar hore ku fiirsatay buuraha gobolka Bari, kuwaas oo lagala kulmayo iska caabin aysan awoodi laheyn hadii mar hore la weerari lahaa.

Sidoo kale waxaan weli sal fariisan qorshaha howlgalka AUSSOM oo la rabay inuu dalka ka bilowdo 1-dii bishaan, dhaqaalihii howlgalkaan iyo ciidamada ka qeyb gelaya wadamada ay ka imaanayaan ayaan weli xal rasmi ah laga gaarin.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleAkhriso: Trump oo Qalinka Ku duugay Amaro Aduunku La fajacay
Next articleDowlada oo Bahdishay Dowlada Soomaaliya kuna Dhawaaqday Go,aan