Home Wararka Maanta Muqdisho oo Banaankeeda laga Dhisaayo Garoon Diyaaradeed Oo Caalami ah Xili Garoonka...

Muqdisho oo Banaankeeda laga Dhisaayo Garoon Diyaaradeed Oo Caalami ah Xili Garoonka Adan Cadde Jaam ka Jiro

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu socdo qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in waqtiyada soo socda magaalada Muqdhisho ay yeelan doonto garoon diyaradeed cusub, oo laga heli karo adeegyada u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka.

Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha laga hirgalin doono Ceel-macaan, kaasi oo uu sheegay inuu fududeyn doono in laga baxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Istaraatijiyo ayaa u degsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, markii xukuumadda la doortay madaxweynaha wuxuu amar ku siiyay in aan la imaano qorshe lagu dhisayo garoon cusub oo ay yeelaneyso caasimadda,” ayuu yiri Mareeyaha oo ka hadlay sida uu ku yimid qorshaha garoonkan cusub.

Waxa uu intaas kusii daray “Sahan badan oo ay sameysay hay’adda duulista rayidka waxaa noo hirgashay in aan helno dhul ku habboon garoon cusub in laga dhiso oo la yiraahdo Ceel-macaan, kuna yaala dhul siman oo baddana saaran.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in garoonka cusub ee la qorsheynayo dhismihiisa uu noqonayo mid baaxad weyn, si taxadar lehna loo hubiyay bad-qabka dhulkaasi, kadib muddo ay darseen jawiga iyo badqabka garoonka Ceel-macaan, isla markaana ay xaqiijiyeen in halkaasi tahay meel ku haboon adeegga diyaaradaha.

Si kastaba, garoonka Addan Cadde ee magaalada Muqdisho oo hadda ah kan keliya ee caasimadda leedahay ayaa mararka qaar laga dareema cariiri iyo dhibaatooyin kale oo meesha ka bixi doona haddii garoonka cusub lagu guuleysto hirgelintiisa.

Ad
Previous articleShiikh Cali Wajiis oo Jawaab Cajiib ah Siiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Next articleWar Deg Deg ah: Qarax ka Dhacay Baydhabo iyo Sarkaal Sare oo ku Dhintay