Home Wararka Maanta Muqdisho :- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis caalami ah oo lagu...

Muqdisho :- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis caalami ah oo lagu horumarinayo isku xirka Gaadiidka iyo Dekedaha

0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay si mideysan u ansixiyeen heshiis is afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika.

Heshiiskaan is afgarad ayaa ah mid xoojinaya isku xirka gaadiidka, dardargelinta isu socodka ganacsiga, iyo ballaarinta iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya dowladda Turkiga iyo dalalka kale ee saxiixay heshiiskaan.

“Waa talaabo taariikhi ah oo astaan u ah dadaallada wadajirka ah ee lagu gaari karo horumar waara, kobac dhaqaale, iyo xiriir xooggan oo dhanka kaabeyaasha ah, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda waxay u mahadcelinaysaa Golaha Wasiirrada Federaalka taageeradooda buuxda ee ay u muujiyeen hindisahan muhiimka ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya in iskaashigan muuqda uu door muhiim ah ka ciyaari doono gaarista yoolalka ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda waxay sidoo kale sheegtay in iskaashiga noocaan oo kale ah uu yahay mid horumar balaaran u horseedaya Dekedaha Soomaaliya ee furaha u ah kobaca dhaqaalaha ee dalka.

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in Shirka Golaha Wasiiradda ee heshiiskaan lagu ansixiyey sidoo kale Goluhu ku meel mariyeen heshiis ay wada gaareen dhawaan dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaasoo la xiriira iskaashiga arrimaha caddaaladda iyo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada.

Ad
Previous articleGalmudug oo laga bilaabay qaadasha Kaarka Diiwangelinta Doorashada ee Qof iyo Cod
Next articleGobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu Dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladoodii