Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo culus, isaga oo magacii ka beddalay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, kadib wareegto uu soo saaray.
Magaca wasaaradda ayaa waxaa hadda laga dhigay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, sida lagu caddeeyay go’aanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray digreeto magaca looga beddelayo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, oo hadda laga dhigay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka” ayaa lagu yiri digreetada.
Horay ayaa sidan oo kale magacyada looga beddalay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda federaalka, waxaana ugu dambeysay wasaaradda haweenka oo loo beddalay wasaaradda qoyska iyo arrimaha bulshada, iyada oo kadib loo magacaabay Bashiir Goobe.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada ee Internet-ka.
Nuur Xaaji Adduunyo “Wasiirka diinta ayaa jidka kuso jiro miyaa oo wasaarad kaligeed ah laga dhigo rabo saas ayaa fiican ee nin Sheekh ah halo magacaabo wasaarada diinta kaligeed?#8221;
Kamaal Xuseen “Doodda laga sameeyay iyo sabahaha noo sheega si aan u fahano ula jeedka”.
Garaad Caaqil Sheekh “Tani waa tallaabo wanaagsan waxay meesha ka saareysaa diin aan ahayn midda ISLAAMKA inaysan khuseynin oo uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed leeyihiin hal diin oo ISLAAM ah”.
Ciise Amiin ayaa isna yiri “Waa magac aad u wanaagsan Mudane Xamsa Cabdi Barre. Guuleyso”.