Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Muda Xileedkii Madaxweyne Laftagareen oo Maantay Dhamaaday

Muda Xileedkii Madaxweyne Laftagareen oo Maantay Dhamaaday

0

Muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta soo idlaaday, kaasi oo afar sano ka hor loo dhaariyay xilka ugu sareeya maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa Lafta-gareen waxay hal sano ugu dareen xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo muddo xileedkiisa dastuuriga uu ahaa afar sano, kuwaasi oo ku sheegay sababta inay tahay iswaafajinta xil-heynta madaxweynaha iyo midda baarlamaanka oo hal sano kala horeeyay.

Shirar isdaba-joog ah oo Muqdisho uga socday siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed ayey ku qaadaceen muddo kordhinta loo sameeyay Lafta-gareen, iyaga oo sheegay in xil-heyntiisa ay ku eg tahay inta uu siiyay dastuurka.

Sidoo kale waxaa fashilmay sida muuqata isku dayo la rabay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee maamulka, kadib markii ay laba maalmood ka hor si wada-jir ah u soo wada saareen guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxweyne Lafta-gareen in 5-ta January 2023 uu qabsoomi doona shirka dib-u-heshiisiinta.

Siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi oo markale Muqdisho shir ku qabtay ayaa War-murtiyeedka ka soo baxay Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ay si buuxda u qaadaceen War-murtiyeedka ka soo baxay Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ee shirka dib-u-heshiisiinta.

Waxaa xusid mudan in maamulka Koonfur Galbeed uu shalay amray in aan hub lagu dhex qaadan karin magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi, taasi oo saameynaysa askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka heysta hubka sharciga iyo kuwa aan sharciga ahayn.

Arrintaan ayaa soo ifbixineysa walaaca uu maamulka ka qabo in rabshado iska soo horjeeda ay ka dhacaan magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ee dowlad-gobaleedka.

Xiisada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid lugaha la sii galeysa isdiidooyin siyaasadeed oo salka ku haya muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Mahada Salaad oo Gaaray Gobalka Gedo
Next article” Qoysaska Waa inay Helaan Caawinta Qiimaha Korontada ” Magdalena Andersson