DEG DEG- Kooxaha mucaaradka ee Dalka Suuriya ayaa si rasmi ah ula wareegay caasimadda Dalkaas ee Dimishiq, Bashaar Al Asad ayaa la soo warinayaa inuu isaga cararay dalka suuriya.
Sidookale, Saraakiil, Xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Abaanduulaha Dimishiq oo ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa isaga baxay.
Waxa la soo warinayaa in Mucaaradka Hubeysan oo Guud ahaan la wareegay Caasimadda ay dadka kala hadlayaan iminka dhismaha raadiyaha iyo telefishanka ee Dalka Suuriya.
Dibad-baxayaal aad u fara badan ayaa durba gaaray fagaaraha Umayyad ee bartamaha magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya.
Ad