Home Wararka Maanta Mraykanka oo Sheegay inay Alshabaab La wareegi Doonta Soomaliya Hadii …..

Mraykanka oo Sheegay inay Alshabaab La wareegi Doonta Soomaliya Hadii …..

0

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley oo ka hadlayay marxaladda kala guurka Soomaaliya oo la filayo inay ka baxaan ciidamada howlgalka ATMIS ayaa walaac ka muujiyay khatarka kooxda Al-Shabaab.

General Michael Langley ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’ideysan karto ​​bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee jooga gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay isku dayi doonto inay la wareegto talada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Saameyn way ayay ku yeelan kartaa bixitaanka ciidamaa Midowga Africa amniga gudaha Soomaaliya, waxaaana Al-Shabaab weeraro ka fulin kartaa Muqdisho iyo meelo kale, balse waxaan ku rajo waynahay in dowladda Soomaaliya ay fahansan tahay khatarta amaan doonto xiliga kala-guurka lagu jiro,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afrika.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay haatan mareyso marxalad lamid ah tii  Taliban ay kula wareegeen Afghanistan sanadkii 2021 kadib markii ay ka baxeen ciidamadii NATO iyo kuwa Mareykanka.

Michael Langley ayaa dhinaca kale xusay in laga hortagi karo halista Al-Shabaab, haddii ay shacabka Soomaaliyeed taageeradaan dowladooda, kuna garab istaagaan dagaalka socda.

Waxaa kale oo uu ballan-qaadan in Mareykanka uu sii xoojin doono taageerada uu siiyo dowladda federaalka, isla markaana uu sare u qadi doona joogitankisa milatari ee gudaha Soomaaliya sababo la xirira horumarada ay sameynayaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha AFRICOM ayaa kusoo aadayo, xilli todobaadkii hore uu gudaha magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada-hadleen dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha bixitaanka ciidamada howlgalka ATMIS.

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhammaadka sanadkan ay ka baxaan ciidamada shisheeye, waxaana beddali doono howlgal kale oo cusub oo isna hoostagi doono Midowga Afrika.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Xiisad Ka Taagan Guriceel iyo Nin la Baadi Goobaayay oo Lasoo Qabtay
Next articleDagaal Qaraar oo Gadiid Dagaal lagu Kala Furtay oo Saakay Markale Ka Qarxay Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here