Home Wararka Maanta Mr Sheelare, Axmed Mire Iyo Rag kale oo Dhashiike ky laayay Dad...

Mr Sheelare, Axmed Mire Iyo Rag kale oo Dhashiike ky laayay Dad Shacab ah oo lagu Xukumay Dil Toogasha ah

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi ciidanĀ  ku riday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee Muqdisho 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkaan.

Weerarkan ayaa ciidamo ku sugnaa koontaroolka isgooska Siinay waxa ay ku qaadeen gaari uu la socday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud fargax, waxaana weerarkaasi lagu dilay askar ilaalo aheyd iyo dad shacab ah.

Askari Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu helay in qaray dhashiike ahĀ  ku dilay lix qof oo shacab ahaa oo u badnaa darawalo mooto bajaaj, waxaa sidoo kale dadkaasi ku jiray hooyo uur laheyd.

Saddex askari oo lagu kala magacaabo Axmed Mire Cismaan , Maxamuud Cabdi Maxamed iyo Cabdullaahi Cismaan Isaaq ayaa iyana lagu riday xukun dil ah, waxaana askartan lagu helay in ay dileen labo askari oo katirsanaa ilaalada guddoomiyaha Yaqshiid.

Maxkamadda ciidamada ayaa min shan sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Ayaanle Maxamed DiiriyeĀ  iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid kamid ah uu riday xabadii ugu horreysay, halka kan kalana uu isku dayay marin habaabinta garsoorka.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa min saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, handadaad, ammar diido ciidan iyo in ay u dhaqmeen sida maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale sii deysay Axmed Cali Axmed Maxamuud ( Macalinka) oo garsoorka maxkamadda sheegeen in lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

CiidamadaĀ  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMasuulin Sare sare oo ka Tirdan Dowlada oo Xabsiga Lagu guray
Next articleMusharrixii saddexaad ee Turkiga oo si rasmi ah u taageeray Erdogan