Home Wararka Maanta Mooshinka Xilka Qaadista Raysulwasaare Xamse oo meel Xaasi ah Maraaya

Mooshinka Xilka Qaadista Raysulwasaare Xamse oo meel Xaasi ah Maraaya

0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ku guuldarreystay in uu yeesho fadhi rasmi ah sababo la xiriira kooram la’aan, taasoo dib u dhigtay howlaha sharci-dejinta ee muhiimka ah, isla markaana sii xoojisay tuhunka la xiriira mooshin kalsooni kala noqosho ah oo laga yaabo in laga keeno xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kaliya 137 xildhibaan ayaa soo xaadiray fadhiga, iyadoo labo xubnood ay ka maqnaayeen tiradii sharciga aheyd si kulanka uu u qabsoomo.

Guddoomiyaha baarlamanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si kulul u dhaliilay maqnaanshaha xildhibaannada, gaar ahaan kuwa dalka ka maqan, wuxuuna uga digay in haddii ay sii wadaan maqnaanshahooda, magacyadooda si rasmi ah loo shaacin doono.

“Fadhiga Baarlamaanka waa waajib qaran, waana nasiib darro in uu fashilmo sababo la xiriira maqnaansho xildhibaano,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.

“Xildhibaanadu waa in ay si dhab ah u qaataan mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan. Maanta, kuwa maqnaa waxay si toos ah u hakad geliyeen shaqadii Baarlamaanka. Haddii tani sii socoto, waxaan bilaabi doonaa in aan magacyadooda shaaciyo.”

Xiisadda siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Fashilka fadhiga baarlamanka ayaa yimid xilli xiisado siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan, iyadoo la sheegay in xildhibaannada mucaaradka ay qorsheynayeen in ay soo bandhigaan mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ka hor inta aan la baajin kulanka.

Inkasta oo mooshinka si rasmi ah loo horgeynin, hadana suurtagalnimadiisa ayaa sii hurisay walaaca laga qabo jahwareerka siyaasadeed ee dalka.

Bishii hore, guddoonka labada gole ee baarlamanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada in ay kusoo laabtaan Muqdisho ka hor furitaanka kalfadhiga lixaad ee baarlamanka 22-ka Febraayo, iyagoo ka digay in maqnaansho dheeri ah ay hakad gelin karto shaqooyinka sharci-dejinta ee muhiimka ah.

Baaqan ayaa yimid xilli mucaaradka ay dareemayeen cadaadis isa soo taraya, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada mucaaradka ay ku hanjabeen in ay fadhiyo gaar ah yeelan doonaan haddii baarlamanka la hakiyo.

Xildhibaannada mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo howlaha sharci-dejinta, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleWadooyinka Muhiimka ah ew Caasimada Muqdisho oo La Xiray iyo Sawirada Abbiya Axmed oo Lagu Xardhay Xamar
Next articleAlshabaab oo Weerar ku qaaday Balcad Siina Daayay Maxabiistii Ku Xirnayd Degmadaas