Home Wararka Maanta Mooshina Cusub oo La Horgeeyey Baarlamaanka Soomaaliya Muxuu yahay?

Mooshina Cusub oo La Horgeeyey Baarlamaanka Soomaaliya Muxuu yahay?

0

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan hubka sharci darrada ah, dagaallada sokeeye iyo dhowrista xasaanada Xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18 xildhibaan oo ka tirsan Golaha.

Xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo ka tirsan xubnaha gudbiyay mooshinkan ayaa faah-faahiyay ujeedkooda, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin keenista mooshin, maadaama ay yihiin xildhibaanno, ayna tahay inay la xisaabtamaan cid kasta oo gudan wayso shaqadeeda.

“Mooshinka sidiisa xildhibaannadu xaqbey u leeyihiin inay keenaan oo waxaa weeye ciddii shaqadeeda gabta in laga keeno waajib waayay, baalamamaanka sidiisaba wuxuu ku shaqeeyo waa mooshin” ayuu yiri Xildhibaan Cali Mahdi Qalato.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka mooshinka ay gudbiyeen uu yahay mid ku toosinayaan xukuumadda oo uu ku eedeeyay inay ku fashilantay shaqadeeda,

“Mooshinkii maanta waxaan rabnaa in aan dalka ku toosino, waayo xukuumaddan waxaan ka war heynaa sida ay maanta fadhiidka u tahay” ayuu mar kale yiri xildhibaan Qalato.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala diro xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isla markaana uu soo dhiso xukuumad cusub,

“Aniga waxaan qabaa in madaxweynaha Soomaaliyeed ay hal arrin u furan tahay dalkii maanta siyaasad waa lagu kala tegay arrimaheenna gudaha qalalaase ayaa ka jira, dalkii maanta cadow ayaa kusoo duulay waxaa laga rabaa Xasan Sheekh in xukuumadda uu kala diro, maadaama ay fashilantay oo uu soo dhiso xukuumad ka shaqeyn karta midnimada iyo qaranka Soomaaliyeed” ayuu kusii daray xildhibaanku.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo leh wajiyo kala duwan, waxaana xaaladda ugu adag wajahaya xukuumadda.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Maantay Qaaday Talaabo Dadka Muqdisho ku Farxeen
Next articleMaamulka Masaajidka Cali Jimcaale War Deg Deg ah kaso saaray Imaamkii Wax ka Sheegay Shiikhii Shalay Geeriyooday