Home Wararka Maanta Mooshin ka dhan ah Raysulwasaare Xamse oo Socda Xili Baarlamaanka Soomaaliya Furmaayo

Mooshin ka dhan ah Raysulwasaare Xamse oo Socda Xili Baarlamaanka Soomaaliya Furmaayo

0

Waxaa sii xoogeysanaya guuxa mooshinka culus ee ka dhex socda baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo lasoo wariyay in qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ay ka wadaan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sida ay ogaatay Warbaahintu, mooshinkan ayaa ujeedka uu yahay in lagu daah-furo kulamada ugu horreeya ee Kalfadhigga 6-aad ee baarlamaanka labadiisa gole oo furmi doono 22-ka bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Xildhibaannada wada mooshinka oo u badan kuwa mucaaradka ee kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo codka ah ayaa ku eedeynaya ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa fadhiidnimo iyo inuu gabay shaqadii loo igmaday ee golaha fulinta.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay mooshinkan oo guuxiisa haatan si weyn loo dareemayo, waxaana sidoo kale barbar socda qorshe kale oo ay Villa Soomaaliya ku burburineyso mooshinka, si ay uga hortagto xilka tuurista ra’iisul wasaare Xamza.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan mooshinkan, wuxuuna ku tilmaamay arrin fawdo ah oo la doonayo in la’isaga horkeeno madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Aniga waxaan leeyahay qof weliba shaqadeeeda ha aqoonsato, baarlamaan intay leeyihiin Xamza ayaanu rideynaa ma oga miyaa baarlamaankii ninbaa xaqiray oo guddoomiyihii baarlamaanka kasoo eryay Puntland u diiday inay tegto kaa mala xisaabtami karaan miyaa? ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle.

“Ra’iisul wasaare Xamza waxaan leeyahay muddada aad ra’iisul wasaaraha ahayd runtii waxaad muujisay karti, dowlad aqoon-nimo waxaad muujisay 100% madaxweynihii ad is dhaarsateen ee aad ka wada shaqeyneyseen horumarka dalka in aad sidii ahayd ula shaqeyneyso, jidkaaga ku soco” ayuu mar kale yiri siyaasiga Cali Cabdullahi Cosoble.

Ad
Previous articleMaxaa Kasoo Baxay Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara?
Next articleWararkii ugu danbeeyey khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday aagga buuraha Cal-Miskaad