Xildhibaano aad u badan ayaa Saxiixay Mooshin ka dhan ah Raysulwasaare Xamse Cabdi bare oo lagu eedeeyey in Xukumadiisu noqotay Fadhiid aan waxba Qaban Culaysna kusoo Kordhisay Dadka Ku dhaqan Muqdisho.
Xildhibaanadaan oo Tira ahaan Horay Ugaaraayay 78 xildhibaan ayaa La sheegay in Maantayna ay ku biireen 28 Xildhibaan oo Cusub kuwaas oo Qaba Tabashooyin Badan.
Xildhibaanada ugu Badan ayaa Kasoo Jeeda koonfurgalbeed kuwaas oo ka araysan in aan wali loo magacaabin Raysulwaasare Kuxigeenka Labaad oo Xasan Shiikh uu horay ugu balan qaaday Balse Xamse aya Dhawaan Xildhibaanada Beesha Direed u Sheegay in aan rayslwaasaare Ku xigeen Labaad la samaynayn.
Xildhibaanada Beesha Direed ayaana Haatan ku fadhiya Kursiga Raysulwasaare kuxigeenka Koowaad kuwaas oo Sheegay in la Doonaayo in la qaybiyo Awoodooda.
Xasan Shiikh ayaana Isku dayaaya inuu kala furfuro Xildhibaanadaan Doonaaya inay Ka Tuuraan Xilka Raysulwasaare Xamse oo la sheegay inuu awoodii Gacanta Ugaliyay Madaxweyne Xasan Shiikh.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaana Haatan Maraaya Meel xasaasi ah balamo badan oo looga baxay kadib Markii lamarsaday kaarka Ansixinta Dastuurka ayay Xildhibaanadu dareemeen in looga bxay Balan qaadkii Xasan Shiikh u sameeyey Taas oo ay ugu waynayd in Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo ahaa kuwii si iskumid ah ugu codeeyey Waxkabadalkii dastuurka Haatan loo Diidanyahay in loo magacaabo raysulwasaare Kuxigeenka labaad ee dalka.
shalay ayay wacad ku mareen Xildhibaanada koonfurgalbeed Hadii 24saac Gudahood aan lagu soo magacaabin Raysulwasaare Ku xigeenka Labaad inay Qaadi Doonaan Talaabo adag Manatay ayayna Durbab ku Biireen Xildhibaanada Mucaaradaka Dowlada oo Haatan wada Mooshin ka dhan ah Xamse Candi barre lama oga sida Dowlada Soomaaliya uga Dubaalan doonto Mooshinkaan kusoo Furmay.