Guux mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka billowday magaalada Nairobi, iyadoo kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka arrinsadeen qorshayaashooda la xiriira mooshinka ay wadaan in lagu furo kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo furmaya bisha Febraayo.
Ilo ku dhow dhow kulanka Xildhibaannada ayaa sheegaya inuu socdo qabyo qoraalka mooshinka, si marka uu furmayo Kalfadhiga 6aad ay ugu gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiska jooga sannadkiisii saddexaad ayaa haddii uu ka badbaado mooshinka lagu soo beegayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka waxa uu haystaa fursad uu ku noqdo Raysalwasaarihii ugu cimriga dheeraa.
Sida hore loogu arki jiray taariikhda Baarlamanka, Kalfadhiga 6aad wixii ka dambeeya waxaa yaraada awoodda iyo abaabulka Baarlamaanka sababo la xiriira in la galayo dhammaadka muddoxileedkiisa oo lagu mashquulayo u-diyaar-garowga doorashooyinka.
Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK