Home Wararka Caalamka Mobilka ugu wanaagsan Dunida oo la Soo saaray iyo Dunida oo Maanta...

Mobilka ugu wanaagsan Dunida oo la Soo saaray iyo Dunida oo Maanta aad Looga hadal hayo (Sawiro)

0

Waxaa soo socdo Telephone kii Telephone nada ama Mobile kii Mobile lada 2022. Tesla Smart Phone PI.

Elon mask oo ah ninka Dunidan ugu taajirsan hantidiisana lagu qiyaaso aduun lacageed oo ka badan $300 Billion ayaa qorsheynaya in sanadka 2022 uu ooda kasoo qaadi doono Mobile kii Mobile lada oo lagu magacaabo (Tesla PI) waxaana la hadal yahaa in mobile kan cusub uu daaqada ka saari doono suuqana kala wareegi doono Campany yadi mobile lada kale sida IPhone, Samsung Iyo Huawei Iyo kuwa kale.

Dadka heesta Telephone kan cusub ayaa ka maarmi doona ku xirnaashaha shirkadaha bixiya adeega internet ka wuxuuna telephone kan cusub toos ugu xirnaandoonaa dayax gacmeedka (Satellite) isagoo isticmaalaya adeega star-link. Waxaa uu soo afjari doonaa antenna kaa tagta ama Kaa la ciifta, xitaa hadaad joogto bartamaha saxaraha, sidoo kale majiri doonto in internet ka aad shirkad kale ka iibsato maadaama uu telephone kan isaga toos ugu xiranyahay dayax gacmeedka.

Wuxuu kale oo mobile kan cusub dheeraan doonaa mobile ladi horay ujiray qeebta wax keedsiga (storage) ka maadaama uu lahaan doono (2TB ama 2 terabyte store) oo qaadi karta xamuul aad uga badan kuwi hore.

Mobile kan ayaa dadka heesta gawaarida Tesla usahli doona in ay gaarigooda kicin karaan, damin karaan, albaabada ufuri karaan ila markaana uxiri karaan ayagoo ka fog gaariga waxaa kale oo ay awoodi doonaan in ay gaariga parking udiraan ama ka dalbadaan in uu soo doono isagoo awood usiinaya gaariga in uu locate gareeyo ama garto goobta uu teeganyahay telephone ka Tesla.

Telephone kan cusub ayaa sidoo kale yeelan doona camerada camerooyinka oo leh cabir dhan 108MP (megapixel) sida camerooyinka waaween ee loo yaqaano professional cameras. wuxuuna awood uyeelan doonaa in uu soo muujiyo ilaa xaada qofka ama dhibic kasta oo aanan horay uga muuqan jirin jirka.

Cabirka shaashada telephone kan cusub ayaa noqon doonta 6.5-inch 4K-level screen oo ah shaashad cabirkeedu dheeli tiranyahay, waxaana qiyaasta qiimaha telephone lagu iibin doono ay tahay $800 ilaa $1,200.

Elon mask waa ninka iska leh shirkadaha Tesla Cars oo ag gawaarida ku shaqeeya korontada Iyo SpaceX oo ah shirkada hawada sare uganta dayax gacmeedka.

Qore: Abdirahman Adan Osman (Kampala).

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Waan waan ka Dhexbilaabay Raysulwasare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo
Next articleMid kamid ah Midowga Musharixiin oo Ka horyimid Qaabka Midowga Musharixiintu Wax ku Donayaan