Home Wararka Caalamka Milkiilaha Facebook oo Talaabo adag ka Qaaday Ruushka

Milkiilaha Facebook oo Talaabo adag ka Qaaday Ruushka

0

Milkiilaha Facebook iyo Instagram ayaa macaamiisha isticmaasha barahan ee ku sugan dalalka qaar u fasixi doona in ay hadallo qallafsan iyo erayo qalalaase ah ku dhahaan Vladimir Putin iyo militeriga Ruushka.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in waddamada qaar dadka ka isticmaala Facebook iyo Instagram loo oggolaanayo inay soo qoraan waxyaabo meel ka dhac ah oo aan horay loo oggolaan jirin.

Mas’uuliyiinta Meta ayaa sheegay in ay si ku meel gaadh ah u sameyn doonaan isbadallo ku aaddan shuruucda hadallada qalalaasaha ah, sida in uu qof dhaho “ha dhintaan Ruushka waddanka kale xoogga ku galay,” waana hadal jabinaya sharcigii u yaallay shirkaddan.

Hase yeeshee waxa ay sheegeen in aysan oggolaan doonin hadallo xun xun oo ka dhan ah shacabka Ruushka.

Dowladda Ruushka oo ka jawaabeysa tallaabadan ayaa Mareykanka ugu baaqday in ay shirkaddan Baraha Bulshada ka tirsan ka hor istaagto “ficilka xagjirnimada ah”.

Ku dhawaaqista arrintan ayaa timid kaddib markii ay Wakaaladda Wararka ee Reuters sheegtay in ay aragtay farriimo la isku dhaafsanayay gudaha shirkadda oo ka hadlayay isbaddalka sharciga.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Deg Deg: Ciidamo Gadoodsan oo Hareereeyey Guriga QoorQoor ee Magaalada Gaalkacyo iyo Qoor Qoor oo Ciidan Dalbaday(Sawiro)
Next articleAxmed Madoobe iyo Raysulwasaare Rooble oo Ka Heshiiyay Sida laga Yeelaayo kuraasta Garbahaareey