Home Wararka Caalamka Milateriga Myanmar oo ku kacay fal argagax iyo layaab leh & Mareykanka...

Milateriga Myanmar oo ku kacay fal argagax iyo layaab leh & Mareykanka oo si adag uga Hadlay (Sawirro)

0

Meydka macalin dugsi sare oo madaxa laga jaray ayaa looga tagay iskuul ku yaala bartamaha dalka bariga Aasia ku yaalla ee Myanmar ka dib markii ay ciidamadu xireen oo ay dileen sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, taasoo calaamad u ah tacaddiyadii ugu dambeeyay ee lagu eedeeyay ciidamada dalkaasi. .

Sida laga soo xigtay sharraxaadda markhaatiyaasha iyo sawirrada laga qaaday tuulada Taung Myint ee miyiga gobolka Magway, maydka macalinka 46 jirka ah ee Saw Tun Moe oo aan madax lahayn ayaa looga tagay dhulka hortiisa albaabka dugsiga, madaxiisana waxaa lagaga dhejiyay dusha sare ee albaabka dugsiga. Iskuulka oo xirnaa tan iyo sanadkii hore ayaa sidoo kale la gubay.

Dowladda militariga iyo warbaahinta ay dowladdu maamusho midkoodna ma soo saarin xogta ku saabsan dilka macallinka.

Macalinka la dilay oo lagu magacaabo Saw Tun Moe, waxa uu ahaa macalin muddo dheer ka qeyb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeedo militariga ka hor inta uusan la wareegin dugsiga sare oo ay aasaaseen dhaqdhaqaaqa dimuquraadiyadeed ee dalkaasi oo ku yaala tuulada Thit Nyi Naung oo uu ku dhashay.

Milateriga Myanmar ayaa xiray tobanaan kun oo qof waxaana lagu eedeeyay dhimashada in ka badan 2,300 oo rayid ah tan iyo markii ay xukunka kala wareegeen sanadkii hore dowladda la doortay ee ay hogaamineysay Aung San Suu Kyi.

“Waxaan aad uga argagaxnay wararka sheegaya in taliska militariga Burma uu xiray, si fagaare ah u googooyay, oo uu madaxa ka gooyay macalin dugsi ku yaala Gobolka Magway,” ayuu yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Ned Price “Rabshadaha arxan darada ah ee talisku, oo ay ku jiraan barayaasha, waxay ka dalbanaysaa jawaab adag beesha caalamka..

Bishii Sebtembar, ugu yaraan toddobo arday oo dhallinyaro ah ayaa lagu dilay weerar diyaarad helikobter ah loo adeegsaday oo lagu qaaday iskuul ku yaalla kaniisad Buddhist ah oo ku taal gobolka Sagaing ee waqooyiga-bartamaha Myanmar. Dowladda militariga ayaa beenisay mas’uuliyadda weerarradaas. Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisay 260 weerar oo lagu qaaday iskuullo iyo shaqaale waxbarasho tan iyo markii ay ciidamada la wareegeen, guddiga xuquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay bishii June.

Myanmar waxay ku jirtay jahawareer tan iyo markii millatariga ay la wareegeen bishii Febraayo 2021 kuwaasoo la kulmay mudaaharaadyo nabadeed oo waddanka oo dhan ah, iyadoo ciidamada amaanku ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dadka diidan xukunka milateriga.

Cadaadiska milateriga ayaa waxa uu horseeday iska caabin hubaysan oo baahsan, kaasoo tan iyo markii uu isu beddelay waxa khubarada Qaramada Midoobay ay ku tilmaameen dagaal sokeeye.

Ciidamada ayaa howlgalo waaweyn ka fuliyay dhulka miyiga ah iyagoo gubay xaafado iyo boqolaal kun oo dad ah oo guryahooda laga saaray.

Milatariga Myanmar ayaa muddo dheer lagu eedeeynayay xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan gobolka galbeedka ee Rakhine. Maxkamadaha caalamiga ah ayaa ka fiirsanaya inay xasuuq ka geysteen halkaas olole arxan darro ah 2017 oo ka dhan ah kacdoonka kaas oo sababay in in ka badan 700,000 oo ka tirsan Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ay u qaxaan dalka deriska la ah ee Bangladesh si ay ammaan u helaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMidowga Yurub oo IRAN ku ciqaabay Talaabadii ay uga qayb Qaadatay dagaalka Ukraine
Next articleMaxay Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Filippo Grandi iyo Xubno la socday Saakay Muqdisho soo Gaaray (Sawirro)