Home Wararka Maanta Midowga Yurub Oo soo jeediyay in Soomaalida lagu adkeeyo Visaha Dal ku...

Midowga Yurub Oo soo jeediyay in Soomaalida lagu adkeeyo Visaha Dal ku galka

0

Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo tallaabooyinka dal ku galka ee la siiyo muwaadiniinta Soomaalida.

Bayaan uu soo saaray guddiga Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo jeedin doono “in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.”

Tallaabooyinkan ayaa laga leeyahay dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaalida ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray dalalkaasi, kuwaas oo aan haysan dukumentiyo sax ah.

Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Midowga Yurub ee loo yaqaano Schengen ah.

Tan ayaa ka dhigan in codsiyada fiisaha Schengen ee Soomaalida lagu qaban doono 45 maalmood gudahood, halka 15 maalmood ee caadiga ah laga qaadanayo dalalka kale.

Qaar kamid ah sharciga fiisaha Schengen ee Soomaalida ayaa laga yaabaa in la joojiyo, oo ay ku jirto suurtagalnimada in laga dhaafo shuruudaha soo gudbinta dukumentiyada caddaynta.

Soomaali badan ayaa sanad kasta iska dhiiba waddamada Yurub kadib markii ay dalalkaas ku tagaan Viisooyin ay ku helaan siyaabo kala duwan.

Dalalka Midowga Yurub ayaa sidoo kale Itoobiya iyo Gambia ka qaatay tallaabooyin adag oo dhanka Viisaha ah.

Ad
Previous articleFarmaajo oo Fursad Waali ah ka Dhex Helay Shirkii Qurba Joogta ee Dooxa
Next articleNetanyahu oo Khudbad lala Yaabay Ka Jeediyay Congress-ka Mareykanka Muxuu yiri?