Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo Somalia siinaya taageero maaliyadeed oo culus siinaysa ciidamada...

Midowga Yurub oo Somalia siinaya taageero maaliyadeed oo culus siinaysa ciidamada qaranka Soomaaliya

0

Ururka Midowga Yurub ayaa ka fakaraya inuu taageero maaliyadeed oo culus siiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, xilli ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hay’adda European External Action Service (EEAS), oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibedda iyo gaashaandhigga, ayaa lagu warramay inay diiradda saareyso Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Dhowrkii toddobaad ee tegay, Josep Borrel, oo ah wakiilka sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga iyo kooxdiisa, ayaa ka shaqeynayey dhowr xaaladooda oo lagu taageerayo ciidamada xoogga Soomaaliya illaa sanadka 2024.

Lacagta guud ee ururka uu ka fakarayo inuu ciidanka Soomaaliya ku taageero ayaa ah €30 milyan, waxaana la qorsheyn doonaa ayada oo ay qeyb ka tahay mashruuca European Peace Facility (EPF).

Hindisaha European Peace Facility (EPF) ayaa ah midka Midowga Yurub uu u adeegsado inuu ku taageero ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada kusoo duulay ee Ruushka.

Hindisahan ayaa sidoo kale horey loogu taageeray ciidamada dhowr dal oo ka mid ah Afrika, waxaana ugu dambeeyey ciidamada Rwanda oo dabayaaqadii November ku helay €20 milyan, si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

Taageerada cusub ee Midowga Yurub, ayaa haddii laga dhabeeya, iman doonto xilli aad muhiim ah oo ciidanka Soomaaliya ay u baahan yihiin gacan kasta oo ay heli karaan, ayada oo aad loogu rajo weyn yahay in dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqon karo mid guud ahaan dalka looga xoreeyo kooxdaas.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan billowday inay dalka dib ugu soo celiso ku dhowaad 5,000 oo askari oo tababar ugu maqnaa dalka Eritrea, kuwaasi oo qeybtoodii ugu horreysay dalka la keenay 21-kii December, lana filayo in lasoo geba-gebeeyo dabayaaqada Janaayo.

Soo laabashada ciidankaas ayaa aad u kordhin doonta miisaaniyadda difaaca ee dowladda Soomaaliya, taasi oo culeyska dhaqaale ku kordhin doonta Villa Somalia

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleRuushka oo Gantaalihii ugu badnaa ku garaacay Dalka Ukraine Duqeyntii ugu Xumeyd
Next articleDowlada Soomaaliya oo War kaso Saartay Xaalada Cakiran ee Laasocaanood iyo Puntland oo Ciidamo U Dirtay Magaladaas