Mas’uuliyiin reer Yurub ah ayaa waxay sheegeen in duqeymaha Mareykanka uu la beegsaday xarumaha nukliyeerka ee Iran ay xiisadda uga sii dareen, iyaga oo xusay in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay hadda aad uga go’an tahay inay helaan hub nukliyeer ah.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa waxa uu sheegay in shacabka guud uu aad u caraysan yahay, uusan jirin qof hadda ku dhiirran kara inuu ka hadlo wadaxaajood ama diblumaasiyad.
Kormeerayaashii Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa ka baxay Iran.
Ilo reer Galbeed ah ayaa sheegay in hay’adda ay kormeerayaasheeda ka soo saartay Iran sababo la xiriira amnigooda.
Laurence Norman, weriye ka tirsan The Wall Street Journal, ayaa ku sheegay bartiisa X (horey Twitter) in kormeerayaashu ay Iran ka baxeen iyagoo sii maray xadka woqooyi-galbeed, una gudbay dhulka Armenia.
Kormeerayaasheeda ayaa la filayaa in ay tagaan xarunta dhexe ee hay’adda ee Vienna.
Dhinaca kale, Wargeyska Telegraph ayaa kashifay 5 saldhig milatari oo Israa’iil ah oo ay Iran bartilmaameedsatay