Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo Dowlada Somalia u ansixiyay malaayiin dollar

Midowga Yurub oo Dowlada Somalia u ansixiyay malaayiin dollar

0

Yurub ayaa meelmariyay in taageero dhaqaale oo dheeri ah la siiyo Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howl-galka ATMIS (ex-AMISOM).

Taageerada dhaqaale ee dheeriga ah ayaa waxaa looga dan leeyahay in gacan ka geysato wareejinta masuuliyadda amniga ee ATMIS oo lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran iyada oo la xaqiijanayo awooddooda.

Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dari doonaa €85 milyan taageeradii horey loogu cayimay ATMIS sanadkaan 2023-ka iyo €25 milyan oo loogu tala-galay ciidanka xoogga dalka.

Taageeradana ayaa waxay inta badan gacan ka geysan doontaa helitaanka gunnooyinkii ka maqnaa ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, laga soo billaabo 2021-ka. Dhanka Ciidanka Xoogga dalka waxay diiradda saari doontaa bixinta qalabka militari iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Midowga Yurub ayaa dhawaan u ballan-qaaday dowladda federaalka Soomaaliya in kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, si hore looga sii socda deegaanadaasi.

Tan iyo 2007-dii Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee si toos ah ATMIS ugu taageeray lacag dhan 2.4 bilyan, wuxuuna xilligaan xaqiiyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada howlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha laga gaaray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Diyaarad Drone ah iyo gantaal lagu weeraray Caasimada Kyiv oo lagu Dhaawacay 70 Qof

Diyaarad  Ruushka laga leeyahay gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa sababay dab, burburiyey dhismayaal caasimadda Ukraine ee Kyiv, halkaas oo ay ku dhinteen sagaal qof, in ka badan 70

Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Mareykanka oo Dhinac ah IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent ayaa ku eedeeyay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) iyo Bangiga Adduunka inay aad uga leexdeen howlihii loo aasaasay. Bessent ayaa sheegay IMF ay ku bixinayso

Al-shabaab oo saaka Weerar Qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku

Rag ka tirsan Shabaab oo dad ka afduubtay Mandheere

Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍
Ad
Previous articleSiyaasiyiinyta Beesha Habar-gidir oo ay ku jiraan Rag aad ugu Dhow Xasan Shiilh oo Cabasho ka Keenay Dowlada u Hogaamiyo Xasan Shiikh
Next articleBeesha Caalamka oo Talaabo adag ka Qaaday Soomaaliland Kadib Dagaalkii Laasacaanood