Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo cunaqabateynta dhaqaale ka qaaday Dalka Suuriya

Midowga Yurub oo cunaqabateynta dhaqaale ka qaaday Dalka Suuriya

0

Wakaalada France Press (AFP) ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed, in wadamada Midowga Yurub ay isku raaceen in la qaado dhammaan cunaqabataynta dhaqaale ee lagu soo rogay Suuriya.

Go’aankan ayaa yimid ka hor shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Yurub ay ku yeelanayaan Brussels. “Ma hayno doorasho,” Ergeyga Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Kaya Kalas ayaa ku yiri bayaan ka hor go’aanka. “Ama waxaan siinaa Suuriya fursad ay ku xasiliso, ama waxaan wajahaynaa xaalad u eg Afgaanistaan.”

Warbixinnada warbaahinta ayaa tilmaamay in wasiirrada Yurub ay tixgelin doonaan go’aanka inta uu shirku socdo si looga qaado cunaqabateynta dhaqaale iyadoo la ilaalinayo cunaqabateynta la xiriirta nidaamka Assad ee ka dhan ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Ad
Previous articleMacawiisleeyda Gobolka Hiiraan oo kaabiga ku haaya degmada Aadan Yabaal
Next articleDarawal Taksiile Ah oo Afar Qof Gaari ku Jiirsiiyay Magaalada Malmö