Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta Arimo Xasaasi ah Kala Hadlay Gudiga Doorashooyinka(Sawiro)

Midowga Musharixiinta Arimo Xasaasi ah Kala Hadlay Gudiga Doorashooyinka(Sawiro)

0

Gollaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddoomiyaha iyo xubno katirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal.

Xubnaha matalayay gollaha midowga musharaxiinta ayaa kala hadlay guddiga doorashooyinka heer federaal  dedejinta doorashooyinka, ka mira dhalinta jadwalka doorasho oo ay soo saareen, iyo xal u helida caqabadaha dhamaystirka doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka ayaana uga warbixiyay gollaha midowga Musharaxiinta halka ay mareyso doorashada xildhibaanada gollaha shacabka iyo caqabadaha wali ka taagan dhameestirka xildhibaanada wali harsan.

Midowga Musharaxiinta ayaana ugu baaqay guddiga doorashooyinka in la dedejiyo doorashada xildhibaanada harsan si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.

Kulankan ayaa imaanaya xili dhawwaan shaaciyeen guddiga doorashooyinka heer federaal habraaca dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee dooran, waxaana habraacaasi kasoo horjeestay maamulada taabacsan Villa Soomaaliya ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleRooble oo kala Hadlay Cali Guudlaawe Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka ee Xilka uu Ka Qaaday
Next articleMaraykanka oo Turki Ka Dalbaday Gantaalo uu Ruushka Kasoo Gatay Ku Wareejiyo Ukrain