Home Wararka Maanta Midowga Africa Oo Soo Saaray Go,aan Ka Farxiyay Dowlada Soomaaliya

Midowga Africa Oo Soo Saaray Go,aan Ka Farxiyay Dowlada Soomaaliya

0

Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii ay Soomaaliya ku doonaysay in kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dawladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay in kaddib bixitaanka ATMIS oo dhammaadka sannadkan loo qabtay ay timaado marnaasho amni oo fursad siin karta argagaxisada.

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen xubnaha Golaha Amaanka iyo Nabadgaliyada Midawga Afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu aqbalay soojeedin Soomaaliya ka timid oo ahayd in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee hawsha dhimista ciidamada ATMIS oo kutalogalkeedu uu yahay 2 kun askari oo dhammaadka June baxaysa, iyo 2 kun kale oo dhammaadka September noqonaysa.

War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibbada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka-miro-dhalinta dadaalladan.

Waxyaabaha lagu ammaanay dawladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka ka dib marka ay baxaan ciidamada ATMIS.

Ad
Previous articleCiidamo Itoobiyaan ah oo Doonaayay inay Xoog Guduha Ugalaan Galmudug oo Loo Diiday
Next articleSoomaaliya oo jawaab Deg Deg ah ka bixisay Go,aankii Midowga Africa