Home Wararka Somaliya Galmudug Mid kamid ah Xidhibaanada Federaalka oo Maantay Lagu doortay Dhuusamareeb

Mid kamid ah Xidhibaanada Federaalka oo Maantay Lagu doortay Dhuusamareeb

0

Doorashada kursiga HOP#18 ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala baxay, kaas oo doorashadiisa ka qabsoomtay magaalada Dhuusamareeb.

Kursigan oo horey u banaana ayaa doorashadiisa waxaa kusoo baxay General Bashiir Maxamed Jaamac Keenadiid, iyadoo loo doortay mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Keenadiid ayaa waxaa kursigan kula tartameysay Najax Axmed Maxamed, iyada la fahamsan yahay in kursiga loo xiray Bashiir Goobe. Generalka ayaa cod gacan taag ah ku guuleystay kadib markii Najax ay tanaasushay.

Generaal Bashiir ayaa hadda ka tirsan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza, isaggoo ku magacaaban yahay wasiiru-dowlaha wasaaradda howlaha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu tahay Dhuusamareeb ayaa waxaa horay iska casishay Xildhibaan Sahro Colaad Cabdi.

Kursigan HOP#18 ayaa ka mid ahaa kuraasta ka banaanaa golaha shacabka, waxaana ugu dambeyn ay doorashadiisu maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo Maantay Markale Taariikh Cusub Qortay
Next articleBaarlamaanka Turkiga Oo Diiday Ciidamadii Badda Soomaaliya Ka Difaaci lahaa Itoobiya