Wasiiru Dowlihii wasaaradda Qorsheynta C/rashiid Jire ayaa iska casilay xilkiisa, waxaana istiqaalada is casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wasiir C/rashiid Jire oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay dhowr arrimood oo intooda badan eedda ku saaray Xukuumadda iyo Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD.
Waxaana ka mid ah:- in hab dhaqanka Xukuumadda Dan Qaran aan u adeegeyn Ummadda Soomaaliyeed oo ay noqotay mid ka shaqeyneysa dano gaar ah iyo sidoo kale hal ku dhiggii Soomaali heshiis ah Dunidana la heshiis ah uu noqday wax kama jiraan ah oo dagaallo sokeeye ka socdaan meelo badan, isla markaana DFS aysan wada shaqeyn ka dhaxeyn Dowlad Goboleedyada.
Ad