Home Wararka Maanta Mid kamid ah Wasiiradii Nabad iyo Nolol oo Tageero layaab leh u...

Mid kamid ah Wasiiradii Nabad iyo Nolol oo Tageero layaab leh u Muujiyay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan haatan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ku taageeray dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu jiro xaalad dagaal oo ay ka wada qayb-qaadanayaan dowladda federaalka iyo shacabka, si meesha looga saaro Al-Shabaab.

“Dalku dagaal ayuu ku jiraa, dowladu dagaal ayey ku jirtaa, dadkuna dagaal ayey ku jiraan. Caddowga lala dagaalamayo waa Khawaarijta dhibaatadeeda nagu qaan gaartay oo hortaagan nolosha dadkeena, jiritaankeena iyo dowladnimadeeda” ayuu yiri Ducaale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in taageero weyn loo muujiyo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka, si loogu muujiyo hiil, hoo iyo ducaba.

“Maanta waxaa noo muuqata dowlad iyo shacab dagaalka ku wada jira. Haddii faltan dhaco waa sunaha dagaalka in Geesiyaal badan lagu waayo, qaar dhawacmaan, hantina ku burburto. xilliga dagaalku socdo inta aan furinta ku jirin waxaa laga rabaa hiil, hoo iyo duco” ayuu mar kale qoraalkiisa sii raaciyay xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Dhanka kale, xildhibaanka oo u jawaabay siyaasiyiinta duraya dowladda, kadib weerarkii Cowswayne ayaa digay in siyaasad laga dhex raadiyo guul darrada soo gaartay ciidamada Xoogga dalka, ayada oo laga raadinayo dhibco siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi kusii daray in muhiimadda koowaad ay tahay in garab istaag loo muujiyo ciidamada huwanta ee u dagaalamay xoreynta dalka.

“Xaaladdaan oo kale  dhibco siyaasadeed lagama raadiyo, tashwiish laguma furo difaacayaasha dadka iyo dalka.  Waxaa kaliya noo furan inaan u istaagno sidii aan ciidamadeena Geesiyaasha Qaran ah u taageeri lahayn, u dhiirigelin lahayn, una dareensiin lahayn inay leeyihiin mas’uuliyiin iyo Dadweyne istaahila naf-hurnimadooda” ayuu sii yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada falcelin xoogan ay ka dhalatay weerarkii ay maalin kahor kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne, kaas oo khasaate lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada huwanta, laguna dhaliilay dowladda dhexe.

Ad
Previous articleWasiirad shaqada looga joojiyay kulan ay la qaadatay wasiir kale darteed
Next articleGudoomiye Madaale oo Ciidamada Ka Dagaalamaaya Galmudug Ku Wareejiyay Geel(Sawiro)