Home Wararka Maanta Mid kamid ah Ismada Puntland ugu Caansan oo Soo Dhaweeyey Shidaalka Laga...

Mid kamid ah Ismada Puntland ugu Caansan oo Soo Dhaweeyey Shidaalka Laga Qodaayo Hobyo

0

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah dhaqanka Puntland ayaa soo dhaweeyay imaatinka markabka Oruç Reis oo Soomaaliya ka sameyn doona hawlo shidaal baaris ah.

Burhaan oo qoraal soo saaray ayaa Turkiga ku ammaanay tallaabadan oo ku tilmaamay mid caalamka u cadeynaysa in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo.

“Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Boqor Burhaan.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uga mahad-celiyay dadaalka dheer ee u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadka dalkeenna ee aan marna laga faa’ideysan.

Hoos ka aqriso qoraalka

BISMILLAAH

Hindisahan ayaa markhaati kale u ah xiriirka qotoda dheer ee Turkiga iyo Soomaaliya, xiriirkaas oo gaaraya qarniyaal badan.

Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale.

Walaalaha Turkiga iyo hoggaaminta wanaagsan ee Madaxweyne Erdoğan waxay u caddaysay caalamka in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran oon Wali Socda iyo Villa Soomaaliya oo Hadashay
Next articleShabakad Alshabaab ah oo Lagu Qabtay Soomaaliland iyo Waxa ay Damacsanaayeen