Home Wararka Maanta Mid ka mid ah xildhibaanada Federalka ee ugu Samaaynta Badnaa Galmudug oo...

Mid ka mid ah xildhibaanada Federalka ee ugu Samaaynta Badnaa Galmudug oo Qoor Qoor Weeraray

0

Xildhibaan Cabdikashuur Cali Mire oo kamid ah Xildhibaanada ugu samaynta badan BJFS ee lagasoo doorto galmudug ayaa dhankiisa eedayn kulul ujeediyey Qoor qoor wuuna yiri:

Dareenka iyo qalalaasaha siyaasaddeed iyo amni ee ka jira GalMudug ee maalmahan soo xoogeystay, waa kuwa horseedi kara qarax siyaasadeed iyo mid amni oo horseeda in xilliga kala guurka ee mudo xilleedka hoggaanka hadda haya talada GalMudug uu reer GalMudug dhaxal-siiyo colaado iyo gacan ka hadal siyaasadeysan.

Hoggaanka GalMudug ee madaxweyne Ahmed Qoor Qoor, wuxuu ku guuldaraystay wax walba oo loo idmaday, wuxuuna GalMudug dhaxal siiyey inay dib usoo noqdaan colaadihii beelaha oo si ka xooggan intaan talada loo dhiibin hadda u saameeyey dhamaanteen deeganada GalMudug.

Waxaan shaki ku jirin in ay GalMudug u baahan tahay badbaado siyaasadeed iyo mid nabad galyo, qofka ugu horeeya ee ay tahay in laga badbaadiyana waa Axmed Qoor Qoor oo siyaasad ka dhigtay iska horkeenka beelaha iyo abuurista qalalaase uu aaminay inuu xilka ku sii haysan karo.

Hoggaanka GalMudug, ma jirto beel gaar ah iyo deegaan gaar ah uu jaceyl gaar ah u hayo, balse wuxuu maalin kasta raadsadaa qolo uu ku moodo.

Dhibaatada iyo eexda iyo jowrfalka uu ku sameeyey shacabka Waqooyiga Galgaduud mudadii uu talada hayey maahan mid ay waligood ma halmaami doonaan, waxaase wax lagu qoslo ah in hubka ay deegaankooda dhexdiisa ku furteen uu ka dhiggo mid uu kala shaqeeyey inay furtaan ayadoo la ogyahay ciidanka NISA ee shacabka laayey inuu asagu soo direy.

Ugu dambeyn waxaan dowladda fedraalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta reer GalMudug ugu baaqaya in aan la sugin GalMudug oo maamul ahaana u dunta, shacabkeeduna beel beel isku laayaan, waxaa kaliya oo lagu badbaadin karaa waa in ay dhacdo doorasho loo dhan yahay oo xilligeedii ku qabsoonta.
Mahadsanidiin.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleTaliye Qoslaaye iyo Kooxdiisii oo Markale Xukun lagu Riday
Next articleXildhibaanada Federaalka Ee laga Soo Doortay Galmudug oo Qoor Qoor Weeraray akhriso Xogta Xildhibaan dayax