Home Wararka Maanta Meydadka ku dhowaad 30 qof oo laga helay xeebta Mahdia iyo dad...

Meydadka ku dhowaad 30 qof oo laga helay xeebta Mahdia iyo dad la la’yahay

0

Dooni ku degtay xeebaha Mahdia ee dalka Tunisia  ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 29 qof oo ka soo jeeda wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo isku dayayay inay si halis ah uga gudbaan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dhanka Talyaaniga, sida ay sheegeen Ilaalada Qaranka Tunisia.

Kalluumeysatada Tuniisiya ayaa soo saaray meydadka 19, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada qaranka Houssameddine Jebabli. Ilaalada Xeebta ayaa sidoo kale soo saaray siddeed meyd ah habeenimadii Sabtida waxayna soo badbaadiyeen 11 ka badbaaday oo la socday doonta degtay, ayuu yidhi.

Laba mayd oo kale ayaa laga soo saaray biyaha u dhow dekedda Sfax ee Tunisia, ayuu yidhi.

Isla markiiba ma cadda inta qof oo kale oo laga yaabo inay sidoo kale la socdeen doonyaha degtay. NGO Tunisian ah oo la socda arrimaha socdaalka ayaa sheegay in shan doonyood la rumeysan yahay iney labadii maalmood ee la soo dhaafay ka baxeen meel ka baxsan iyo in 67 qof aan la helin nolol iyo geeri.

Dadka ka soo cararaya iska horimaadka ama faqriga ayaa si joogta ah doonyo uga raacda xeebaha Tunisia ee ku wajahan Yurub, inkastoo bartamaha Mediterranean-ka ay tahay marinka ugu khatarta badan ee socdaalka adduunka, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka. Qaar badan ayaa ka yimid Afrikada Saxaraha ka hooseeya.

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la
Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Xalay Ku afuray mid ka mid ah Degmooyinka ugu Amniga Xun Gobalka Banaadir(Sawiro)
Next articleSoomaaliland oo ku Dhawaaqday Dagaalkii ay ku qabsan lahaayeen Magaalada Laasacaanood