Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka xarig jaray dhismaha xarunta Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta reer miyiga Galmudug.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Caasimada iyo qeybaha Bulshada.
Mashruucaan waxaa maal galiyay Baanka aduunka isla markaana qayb ka ah Barnaamijka hormarineed ee Biyoole Project oo Galmudug ka socda. Dhismahan oo ka kooban xafiisyo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Wasaaraddu yeelato tan iyo markii Galmudug la aas-aasey.
Ad