Home Wararka Caalamka Maxkamadda sare ee Islamabad oo laashay xukun lagu riday Imran Khan

Maxkamadda sare ee Islamabad oo laashay xukun lagu riday Imran Khan

0

Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa laashay xukun lagu riday ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo wasiirkiisi arrimaha dibadda, Shah Mahmood Qureshi.

Go’aanka cusub ee maxkamadda ayaa yimid kadib markii hore Imran Khan loogu xukumay kiis la xiriira in si khaldan loo maamulay sirtii qaranka.

Sida ay ku dhawaaqeen laba xubnood oo ka tirsan garsoorka maxkamadda sare, ra’iisal wasaaraha hore iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda waxaa lagu waayay kiiskii ay hore ugu xukuntay maxkamadda hoose, iyaga oo aqbalay racfaanka ay ka qaateen xukunnada hore ugu dhacay.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa ku soo beegmaya kadib markii bishii January ay maxkamadda hoose ay ku xukuntay labadan masuul min toban sannadood oo xadhig ah, kadib markii ay maxkamadda hoose ku heshay inay si cad u shaaciyeen nuxurka xogo sir ah oo diblomaasiyadeed.

Labadan masuul ayaa ku dooday in eedaha loo soo jeediyey ay yihiin kuwo been abuur ah iyo wanjal siyaasadeed, oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Khan ayaa markaas si cad u sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan.

Inkasta oo maxkamadda sare ay go’aankan soo saartay, haddana weli lama filayo in xabsiga laga sii daayo, iyaga oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleSafiir u dhashay UK oo xilka ka tagay kaddib markii uu qori ku taagay shaqaalihiisa
Next articlePuntland oo ka Hadashay Duqayntii Maraykanka Iyo Dowlada Soomaliya ka Fuliyeen Buuraha Puntland